U bood dhigaalka

Puntland iyo Denmark oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada iyo amniga badaha

Oktoobar 27, 2026

Garoowe – Madaxweynaha  Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Denmark u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Steen Sonne Andersen, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Denmark, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka, la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga badaha iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Puntland iyo Denmark, si loo xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo horumarinta.