U bood dhigaalka

MADAXDA HIRSHABEELLE IYO KOONFUR-GALBEED OO GAARAY DHUUSAMAREEB

Nofeembar 4, 2026

Dhuusamareeb, 4 Nofeembar 2026: Madaxda dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur-Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Dowladda Galmudug.

Hoggaamiyaha Koonfur-Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo wafdiyo ay kala hoggaaminayaan ayaa magaalada Dhuusamareeb loogu soo dhoweeyey ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).

Munaasabadda ayaa la filayaa inay isu keento madaxda dowlad-goboleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo marti sharaf kale, iyadoo qeyb ka ah xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada Soomaaliya.