U bood dhigaalka

Soomaaliya oo hoggaanka shir-guddoonka Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta la wareegtay

Nofeembar 4, 2026

Qaahira, Masar – 4 Nofeembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa la wareegay shir-guddoonka kalfadhiga caadiga ah ee 56-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta oo maanta ka qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka ku sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga dalalka Carabta, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, is-weydaarsiga khibradaha iyo horumarinta wada-shaqaynta hay’adaha warbaahinta.

Cabdifataax Qaasim ayaa sidoo kale gudbiyay salaanta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo xusay in warbaahintu door muhiim ah ku leedahay dhismaha dowladnimada, ilaalinta midnimada qaranka, dib-u-heshiisiinta iyo nabad-dhiska.

Waxa uu dalalka Carabta ugu baaqay in ay xoojiyaan iskaashiga lagula dagaallamayo dacaayadaha argagixisada iyo marin-habaabinta xogta, isla markaana la horumariyo tababarrada suxufiyiinta, hubinta xogta iyo badbaadada shaqaalaha warbaahinta.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda horumarinta warbaahinta dijitaalka ah iyo adeegsiga garaadka macmalka ah, isaga oo tilmaamay baahida loo qabo ilaalinta kalsoonida xogta, asturnaanta iyo xuquuqda hal-abuurayaasha.

Dhanka kale, wasiirka ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xuquuqda shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa aayo-ka-tashiga iyo dhismaha dowlad madax-bannaan, isaga oo adkeeyay doorka warbaahinta ee soo bandhigidda xaaladda shacabka Falastiin iyo ilaalinta badbaadada suxufiyiinta.

Soomaaliya ayaa inta ay hayso shir-guddoonka Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta la shaqayn doonta dalalka xubnaha ka ah iyo Xoghaynta Guud si loo dabagalo go’aannada kulanka, loona xaqiijiyo fulintooda.