Dhuusamareeb, 4 Nofeembar 2026 – Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo u yimid ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.
Mas’uuliyiinta la soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo madaxweynayaashii hore ee Galmudug, Axmed Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Sidoo kale, magaalada Dhuusamareeb waxaa gaaray xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socda heerarka kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka qaybgalaya munaasabadda caleema-saarka.
Imaanshaha mas’uuliyiintan ayaa qayb ka ah diyaar-garowga munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug, taas oo lagu wado inay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ka qaybgalayaan madax hore iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo kala duwan.