Dhuusamareeb, 5 Nofeembar 2026: Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa sheegay in maamulkiisu uu taageeri doono qorshaha dimoqraadiyeynta dalka ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Liibaan Axmed Xasan oo ka hadlayay munaasabadda caleema-saarkiisa ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono horumarinta Galmudug, isaga oo xusay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan horumarka iyo xoojinta maamulka.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay inay garab istaagi doonaan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu sheegay in lagu soo duulay.
“Waxaa naga go’an fulinta go’aanka dimoqraadiyeynta dalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo. Galmudug inaan sii horumarinno ayaan ballanqaadeynaa, sidoo kale waxaan garab istaagi doonnaa Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu soo duulay,” ayuu yiri Liibaan Axmed Xasan.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli ay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug ka qeybgalayaan madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada dalka.