Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socda Beesha Caalamka, kuwaas oo magaalada u tagey ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka madaxda cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdigan ayaa ka kooban safiirrada dalalka kala duwan u jooga Soomaaliya, danjireyaasha ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah iyo diblomaasiyiin kale oo ka kala socda dalal iyo hay’ado caalami ah.
Soo dhaweynta wafdigan ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay munaasabadda caleemo-saarka madaxda cusub ee Galmudug, taas oo ay ka qaybgalayaan wakiillo ka socda beesha caalamka iyo dhinacyo kala duwan oo daneeya arrimaha Soomaaliya.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa martigelinaysa munaasabadda caleemo-saarka, iyadoo ka qaybgalka diblomaasiyiinta caalamiga ah uu qayb ka yahay xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka Galmudug iyo beesha caalamka.