Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan rasmi ah oo laba geesood ah kula yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Anis Matta.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Indonesia ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Indonesia, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta.
Labada masuul ayaa si gaar ah uga wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo amniga badda, kuwaas oo loo arko dhinacyo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka labada waddan.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda, tayeynta awoodda hay’adaha dowladda, iskaashiga dhinacyada badan iyo isku-duwidda mowqifyada labada dal ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku dooneyso xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo raadinta fursado cusub oo wax ku ool u noqon kara horumarka dalka.
Dhinacyada Soomaaliya iyo Indonesia ayaa ugu dambeyn mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dal, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi miro-dhal ah oo ku dhisan is-ixtiraam, dano wadaag iyo horumar waara.