U bood dhigaalka

Masuuliyiin kala Duwan oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Senator Abukar Axmed Haashi oo ku Geeriyooday Dalka Jarmalka

Nofeembar 5, 2026

Alle ha u naxariistee Senator Abukar Axmed Haashi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed, islamarkaana ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xilligii Baarlamaankii 10-aad ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay siyaasiyiin kala duwan oo isugu jira  madaxda Dawladda ka tirsan iyo xubno kale, ayagoo Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Naxariistiisa Janno.

Marxuumka ayaa kaalin ka soo qaatay dawlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca sharci-dejinta ee Aqalka Sare, waxaana sanadkii 2018-kii uu ka mid ahaa wafdi Senatorro ah oo loo diray deegaannada Galmudug, kuwaas oo ka qeyb qaadanayay dadaallada la xiriiray khilaafaadkii siyaasadeed ee xilligaas ka jiray dalka.

Geerida Senator Abukar Axmed Haashi ayaa lagu xaqiijiyay war-saxaafadeed tacsiyeed uu soo saaray Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dambigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, halka qoyskiisa, eheladiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uu ka siiyo samir iyo iimaan.