Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye, oo halkaas u gaaray ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.
Soo dhaweynta labada hoggaamiye ayaa qeyb ka ah kulamada iyo is-dhexgalka madaxda dowlad-goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb, iyadoo magaalada ay martigelinayso munaasabad ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo marti sharaf kale.
Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Waqooyi Bari booqashada uu ku yimid Dhuusamareeb iyo ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka, isaga oo tilmaamay in imaanshaha hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyadu uu muujinayo muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka, walaaltinimada iyo iskaashiga ka dhexeeya maamullada dalka.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dowlad-goboleedyada, gaar ahaan dadaallada la xiriira nabadda, amniga, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Booqashada Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Dhuusamareeb ay isugu imaanayaan madaxda sare ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, kuwaas oo ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.