Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, ayaa ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in maamulka uu wadatashi la yeelan doono bulshada ku dhaqan magaalada si looga arrinsado arrimaha amniga.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa galabta gaaray Beledweyne.
Cabdifataax Afrax ayaa sheegay in muhiimad gaar ah la siinayo wada-shaqeynta bulshada iyo maamulka, si xal looga gaaro caqabadaha amni ee ka jira magaalada.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), uu magaalada Beledweyne ka aas-aasayo Jamhad ka dhan ah maamulka Hirshabeelle, isaga oo meesha ka saaray jiritaanka qorshahaas, kuna gacan seyray wararka la xiriira abaabulka Jamhad.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu maanta, 6-da Nofeembar 2026, magaalada Beledweyne gaaray Sanbaloolshe, oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kaas oo safar dhulka ah kaga soo gudbay dhinaca Feer-Feer ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Imaanshaha Sanbaloolshe ayaa kusoo aadaya iyadoo Beledweyne ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo la xiriira khilaafka kala dhexeeya qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka Hiiraan iyo maamulka Hirshabeelle.
Weli si rasmi ah looma oga halka ay ku dambeyn doonaan dadaallada wadahadal ee uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay dhinacyada isku haya magaalada uga jawaabaan baaqyada wada-tashiga iyo xal raadinta.