U bood dhigaalka

Soomaaliya oo ka Qaybgalaysa Shirweynaha Warbaahinta Adduunka ee ka Furmaya Magaalada Beijing

Nofeembar 7, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu soo dhoweynayay madaxda iyo wafdiyada caalamiga ah ee ka qaybgalaya Shirweynaha Warbaahinta Adduunka oo lagu qabanayo magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Wasiirka ayaa munaasabadda kulamo kooban kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socda qaar ka mid ah hay’adaha wararka ee caalamka, waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua, Fu Hua, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS, Andrey Kondrashov, iyo Agaasimaha Guud ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dalalka Islaamka, Mohammed Alyami.

Shirweynahan oo maalinta si rasmi ah u furmaya ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo isbeddellada ku socda saxaafadda caalamka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo horumarka tiknoolajiyadda iyo doorka garaadka macmalka ah (AI) ee mustaqbalka warbaahinta.

Ajandaha shirweynaha waxaa sidoo kale qayb ka ah ka doodista fursadaha ay tiknoolajiyaddu u abuureyso hay’adaha warbaahinta, caqabadaha la xiriira adeegsigeeda iyo sida looga faa’iideysan karo hal-abuurka cusub si loo horumariyo tayada wararka iyo adeegyada bulshada.

Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa la filayaa inuu madasha ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee warbaahinta adduunka, caqabadaha iyo fursadaha jira, isaga oo si gaar ah u soo bandhigi doona horumarka ay warbaahinta Soomaaliya ku tallaabsatay iyo qorshayaasha lagu horumarinayo.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirweynahan ayaa sidoo kale fursad u ah in la xoojiyo xiriirka hay’adaha warbaahinta dalka iyo kuwa caalamiga ah, lana ballaariyo iskaashiga dhinacyada is-weydaarsiga wararka, khibradaha iyo horumarinta xirfadaha saxaafadda.