Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Baraawe ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu ku soo indha-indheeyay xarumaha muhiimka ah ee magaalada, isagoo sidoo kale kulamo la yeeshay bulshada ku dhaqan degmada.
Taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baraawe ayaa booqday xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin Isbitaalka magaalada, Saldhigga Booliska, xarunta maamulka gobolka, Madaxtooyada iyo Suuqa Weyn ee Baraawe.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Taliyaha ayaa warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta xarumaha uu booqday, isaga oo xog ka helay xaaladda amniga, adeegyada bulshada iyo habsami u socodka howlaha maamulka iyo hay’adaha kala duwan ee magaalada.
Sidoo kale, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Baraawe, isagoo dhageystay aragtidooda, talooyinkooda iyo cabashooyinka ay ka qabaan xaaladda guud ee magaalada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nolosha bulshada.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa booqday saldhigga ay ku sugan yihiin Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee u xilsaaran ilaalinta xeebaha dalka. Halkaasi ayuu kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada, wuxuuna saraakiisha ka dhageystay warbixin ku saabsan waajibaadka ay ka hayaan xeebaha iyo howlaha la xiriira sugidda amniga badda.
Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo shaqada ay ciidamadaasi u hayaan difaaca dalka, ilaalinta xeebaha iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, ayadoo Kormeerkani uu qayb ka yahay dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu qiimeynayo xaaladaha amni ee deegaannada dalka, laguna xoojinayo wada-shaqeynta ciidamada, maamulka dowliga ah iyo bulshada, si loo helo amni iyo xasillooni waarta.